SEOUl, Kuuriyada Koonfureed — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan kula yeeshay Seoul Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Dr. Sidi Ould Tah, iyagoo ka wada hadlay dib-u-habaynta maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Seoul, halkaas oo uu Wasiir Biixi kaga qaybgalayo shirka Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Kuuriya.
Labada dhinac ayaa diiradda saaray mudnaanta Soomaaliya ee dhinaca dib-u-habaynta maaliyadda, iyadoo Wasiirku uu ka warbixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo qorshayaasha dowladda ee u baahan maalgelin.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo horumarinta dhaqaalaha.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta iskaashiga gobolka.
Wasiir Biixi ayaa sheegay in Bangiga Horumarinta Afrika uu yahay mid ka mid ah saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo maaliyadda dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashi gudaha iyo dibadda ah.



