BAQDAAD [SMN] – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Ciraaq, mudane Qasim Al-Araji.
Waxaa diiradda lagu saaray shirka iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dowladda.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka iyo tababarada ciidamada, iyadoo la adkeynayo iskaashiga lagu xoojinayo nabadgelyada gobolka.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq taageerada iyo khibradaha ay u soo bandhigeen Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo dhankiisa, mudane Qasim Al-Araji uu ballan qaaday in Ciraaq ay ka go’an tahay inay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada, tababarada, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.







![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
