Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay adkeynta iskaashiga labada dal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u jooga Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal ee ddhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo iyo salaan ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay oo uu uga siday dhiggiisa dowladda Itoobiya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxaa kale oo ay kaga wada hadleen waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo iskaashiga labada dal ee arrimaha geeska iyo qaaradda ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here