Oslo – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Norway, Espen Barth Eide, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Kulanka labada wasiir ayaa qabsoomay intii uu socday shirka Wasiirrada Nordic iyo Afrika, kaas oo ay ka qeybgalayeen mas’uuliyiin iyo wakiillo ka kala socday dalalka labada gobol. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Norway, loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada ay labada dal ka leeyihiin danaha wadaagga ah.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dowladood, si loo gaaro danaha ay wadaagaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ku xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya mudnaanta qaranka, danaha wadajirka ah, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo horumarka dalka.




