Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM

0

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka amniga iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga ay u muujiso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay isla soo qaadeen sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta hay’adaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli uu weli socdo dood ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM. Dalalka ciidamada ku leh howlgalka ayaa toddobaadkii hore, shir aan caadi ahayn oo ka dhacay Kampala, ku codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu muddo u dhexeysa 18 illaa 24 bilood sii wado taageerada saadka iyo howlgalka AUSSOM.

Dalalkaas ayaa sheegay in muddo kordhintu ay muhiim u tahay in la sii xoojiyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya isla markaana si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed, iyagoo ka digay in bixitaan degdeg ahi uu sababi karo firaaq amni oo dib u dhigi kara guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Shiinaha ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibbada diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsan Soomaaliya, isagoo taageera dib-u-dhiska dowladnimada, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo taageerada siyaasadeed ee Soomaaliya ka hesho Qaramada Midoobay. Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale marar badan ku celcelisay taageeradeeda ku aaddan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here