Qaahira, Masar — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, Mudane Muxyadiin Saalim.
Kulanka ayaa dhacay intii lagu guda jiray Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee ka socda magaalada Qaahira.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyo sidoo kale xaaladaha iyo horumarrada ka socda gobolka. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.





