Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ka wada-hadlay horumarinta danaha labada dal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka ah, Mudane Cabdul Saciid Muuse Cali oo ka qeyb-galaya Shir-madaxeedka Afrika iyo Yurub ayaa kulan muhiim ah Magaalada Brussels kula yeeshay madaxweynaha dalka Tansaaniya Samia Hassan .

Kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, iyo is dhaafsiga fikradaha ama arrimaha khuseeya Geeska Afrika.

Shirweymahaan oo ah kal-fadhiga lixaad ee shir-madaxeedka iskaashiga Afrika iyo Yurub ayaa la filayaa in uu soo gabagaboobo manta, iyadoo si guud looha hadlaayo arrimo la xiriira xoojinta wada shaqeynta ee dhinacyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here