Soomaaliya iyo Tanzania oo ka wada hadlay dib-u-habaynta adeegga dadweynaha

0

DODOMA, Tanzania — Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda federaalka, ayaa Khamiistii magaalada Dodoma kula kulmay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Tanzania ee Maareynta Adeegga Dadweynaha iyo Maamul-wanaagga, Ridhiwani Kikwete.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha labada dal ee ku saabsan dib-u-habaynta adeegga dadweynaha, maamulka iyo maaraynta shaqaalaha dowladda iyo horumarinta hannaanka shaqaaleysiinta ku saleysan kartida, tartanka iyo hufnaanta.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay nidaamyada casriga ah ee lagu maareeyo waxqabadka hay’adaha dowladda, isla-xisaabtanka, horumarinta hoggaaminta iyo casriyeynta maamulka shaqaalaha dowladda.

Wasiirradu waxay sidoo kale isla eegeen fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, horumarinta xirfadaha shaqaalaha rayidka ah, hoggaaminta iyo maamulka waxqabadka.

Wafdiga Soomaaliya ayaa intaas kaddib ka qeyb galay kulan aqoon iyo khibrad-wadaag ah oo looga hadlay arrimaha Golaha Wasiirrada iyo casriyeynta Xoghaynta Golaha Wasiirrada.

Kulankaas waxaa lagu soo bandhigay khibradda Tanzania ee ku aaddan habraacyada Golaha Wasiirrada, diyaarinta iyo maareynta dukumentiyada, qorsheynta ajandaha iyo dabagalka go’aannada Golaha Wasiirrada.

Waxaa sidoo kale laga hadlay hababka lagu kormeero fulinta go’aannada, digital-ka loogu beddelo habraacyada shaqada iyo sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.

Booqashada wafdiga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarinta adeegga dadweynaha iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here