Dar es Salaam – Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga Tanzania, ayaa booqday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.
Wafdiga waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Mudane Deus Sangu, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania. Labada mas’uul ayaa yeeshay kulan heer sare ah oo looga hadlay xoojinta iskaashiga hay’adeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta awoodda shaqaalaha iyo is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta hay’adaha labada dal.
Intaa kaddib, wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan aqoon iyo khibrad-wadaag ah oo lagu soo bandhigay hannaanka maamulka iyo habraacyada Golaha Wasiirrada Tanzania. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta iyo maamulka ajandaha Golaha Wasiirrada, isku-duwidda wasaaradaha, dabagalka iyo la socodka fulinta go’aannada, iyo nidaamka eCabinet ee Golaha Wasiirrada.
Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Hay’adda Dowladda Tanzania u qaabilsan Dijitaalka (e-Government Authority – e-GA), halkaas oo lagu soo bandhigay khibradda Tanzania ee hirgelinta iyo casriyeynta dowladda dijitaalka ah.
Kulanka ayaa looga hadlay isku-xirka nidaamyada dowladda, kaabeyaasha dijitaalka ah ee ay wadaagaan hay’adaha, shabakadaha dowladda, aqoonsiga dijitaalka ah, adeegyada elektaroonigga ah, is-dhaafsiga xogta, amniga internetka iyo dejinta halbeegyada lagu hago horumarinta nidaamyada dijitaalka ah ee dowladda.



