MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
“Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, qotodheeraynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada.
Xasan Sheekh iyo Jeneraal Bayraktaroğlu ayaa sidoo kale ka qaybgalay munaasabad lagu dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya, taas oo laga dhisayo magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta awoodda ay dalka ugu sugayso amniga badda.
Intii uu booqashada ku joogay Soomaaliya, Taliyaha Milatariga Turkiga ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Turkiga ayaa ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Soomaaliya kala shaqeeya dhinacyada amniga, tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida. Labada dal ayaa sannadihii u dambeeyay ballaariyay iskaashigooda milatari, iyagoo sidoo kale kala saxiixday heshiisyo ku saabsan difaaca iyo amniga badda.
Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii wajahaysay weerarro iyo kacdoon hubeysan oo ay Al-Shabaab ka waddo dalka, iyadoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay si joogto ah u beegsato ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka.



