ANKARA, Turkiga — Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloğlu, magaalada Ankara.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca badda, horumarinta kaabeyaasha dekedaha, iyo casriyeynta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.
Wasiirradu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha amniga badda, isdhaafsiga tiknoolajiyada, iyo sidii adeegyada dekeduhu u noqon lahaayeen kuwo la jaanqaadaya baahiyaha ganacsiga iyo isku-xirka gobolka.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Turkiga soo dhoweynta uu u fidiyay, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo xasilloonida, horumarka, iyo kobaca howlaha badda ee Soomaaliya.




