Soomaaliya oo Aljeeriya uga tacsiyeeysay dab ka kacay xarun carruur lagu daryeelo

0

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Aljeeriya kaddib dab ka kacay xarun lagu daryeelo carruurta oo ku taalla degmada Mohammadia ee caasimadda Algiers, kaas oo sababay dhimashada dhowr carruur ah iyo dhaawaca tiro kale.

War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tacsi tiiraanyo leh u direyso hoggaanka, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, isla markaana ay garab taagan tahay xilligan murugada leh.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay murugada la qaybsanayso qoysaska iyo ehellada ay carruurtoodu ku dhinteen musiibada, iyadoo u rajeysay samir iyo adkaysi.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay Alle uga bariday carruurta ku dhaawacantay dabka inuu siiyo caafimaad degdeg ah, waxayna Aljeeriya iyo shacabkeeda u rajeysay nabad, amni iyo xasillooni waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here