Soomaaliya oo daahfurtay qorshe maalgashi cimilo oo ku kacaya $12.8 bilyan

0

ANTALYA — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga ka daahfuray Qorshaha Maalgashiga Qaranka ee Hindisaha Saddexaad ee Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada, kaas oo u baahan maalgelin dhan $12.8 bilyan tobanka sano ee soo socda.

Madaxweynaha, oo ay weheliyeen Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada Soomaaliya ee lagula tacaalayo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.

Qorshuhu wuxuu ka kooban yahay toddobo tiir oo muhiim ah, 27 barnaamij iyo 44 hindise maalgashi, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, biyaha, tamarta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay qorshayaal ballaaran oo wax looga qabanayo caqabadaha deegaanka, balse uu muhiim yahay helitaanka maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo xaqiijiyo hirgelintooda.

Wuxuu xusay in taageerada caalamiga ah ay lagama maarmaan u tahay yareynta saameynta abaaraha iyo fatahaadaha, iyo xoojinta awoodda bulshada ee ay kula qabsan karto isbeddelka cimilada.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday dowladda Denmark, Bangiga Adduunka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Wakiillada hay’adahaasi ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgelinta iyo taageerada farsamo ee lagu hirgelin karo qorshaha, kaas oo Soomaaliya u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaalaha iyo bulshada ee wajahaya khataraha cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here