Soomaaliya oo gaadiid iyo agab caafimaad kala wareegtay IGAD

0

Urur-Gobaleedka IGAD oo kaashanayso Midowga Yurub, ayaa maanta ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya agab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo Saddex gadiidka gurmadka dega dega oo loogu talagalay magaalooyinka Tog-wajaale, Dhoobleey iyo Balad-xaawo oo dhammaan ku yaallo xuduudaha dalka.

Munaasabad oo ay ka qeyb-galeen Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin, Xildhibaanno, iyo madaxda urur gobaleedka IGAD, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNOPS ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Wakiilka IGAD u qaabilsan dhanka Caafimaadka Marwo Mariam Maxamed Aadan, ayaa Agabka Caafimaad ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaakda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin ( Dr Gurey), ayaa uga mahadceliyay Urur gobaleedka IGAD, Midowga Yurub iyo xafiiska Qaramada Midoobay deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya.

Urur gobaleedka IGAD ayaa si dhow ula shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka taageero dhinacyada Awoodda Aqooneed ee shaqaalaha, dib u heshiista, Nabadda iyo dhinaca Ururada Bulshada rayidka iyo dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here