Soomaaliya oo ka qayb-gashay kulan weynaha Carabta iyo Jarmalka

0

MANAMA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Manama ee caasimada Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha shan iyo tobanaad (15) ee u dhaxeeya wadamada carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafimaadka.

 

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafimaadka wadamada Carabta iyo Jarmalka ayaa waxaa furay madaxa Golaha Sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn Sheekh Mohamed Bin Abdullah Al-khalifah iyo wasiir ku xigeenka Caafimaadka wadanka Jarmalka prof Edgar Franke, shirka ayaa looga arrinsaday maalgashiga Caafimaadka, soo saarista dawo tayo sare leh, iyo hababka ugu haboon ee tiknoolojiyada loogu adeegsado adeeg bixinta Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali  aaji Aadan  oo shirka kadib kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka wadanka Jarmalka prof Edgar Franke ayaa waxa uu uga mahadceliyay taageerada Caafimaad ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ka codsaday in ay maalgashi ku sameeyaan Sector-ka Caafimaadka dalkeena iyo in ay ka taageeraan xoojinta nidaamka Caafimaad iyo helida qalab Caafimaad oo casri ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsay madaxda Caafimaad ee wadanka Jarmalka in ay aqoon kororsi u sameeyaan injineerada ku taqasusay cilad bixinta qalabka Caafimaad si loo yareeyo ciladaha soo noqnoqda ee fadhiisiya qalabka Caafimaad, dhankiisa prof Edgar Franke Wasiir ku xigeenka Jarmalka ayaa soo dhaweeyey codsiga Wasiirka waxa uuna ballan qaadey in Dowladdiisa xoojin doonto garab istaaga horumarinta Caafimaadka Soomaaliya islamarkaana ay fulin doonaan nuxurka wadahadalka.

Gabagabadii ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ka qeyb galeen furitaanka bandhiga Caafimaadka ee Manama kaasoo lagu soo bandhigay dawooyin iyo qalabka Caafimaad oo ku shaqeeya tiknoolojiyadda casriga ah islamarkaana ka turjumaya horumarada isdaba jooga ah ee laga gaarayo Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here