Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga labada dhinac, horumarinta koboc waara, iyo dardargelinta danaha ay wadaagaan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khudbad ka jeediyay kulanka, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed si wax looga qabto caqabadaha caalamiga ah ee horyaalla dunida maanta.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dhinac iska kaashadaan arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada, sugnaanta cuntada, isbeddelka dhijitaalka ah iyo horumarinta fursadaha dhaqaale ee bulshada.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan iyo horumarinta wada-shaqeynno wax ku ool ah oo gacan ka geysta nabadda, adkeysiga bulshooyinka, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada la wadaago.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, iyadoo mudnaan siinaysa soo jiidashada maalgashiga, horumarinta hal-abuurka iyo xoojinta awoodaha hay’adaha dowladda.
Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ayaa loo arkaa madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah isla markaana lagu dhiirrigelinayo horumar waara iyo barwaaqo loo siman yahay.



