Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka Isbadalka Cimilada Adduunka ee Scotland

0

GLASGOW (SMN) – Shirka cimilada adduunka oo ka socda magaalada Glasgow ee Scotland, UK ayaa lagu tilmaamay shirkii ugu muhiimsanaa ee looga hadlo isbadalka cimilada ilaa 2015 markaas oo la yagleelay madashan.

Madax badan oo Adduunka ayaa ka qeyb galaya shirkan oo diiradfa lagu saarayo wax ka qabashada uumiga iyo kuleylka Dunida oo kordhay, taas oo sababtay aafyooyin dhanka deegaanka iyo nolosha ah.

Madaxweynaha Mareykanka Biden oo shirka ka hadlay ayaa raali galin ka bixiyay in maamulkii ka horeeyay ee Trump ay ka baxaan madasha cimilada aduunka.

Soomaaliya oo qeyb ka ah wadamada shirkaan ka qeyb galaya waxaa muhiimad ah sidii isbadalka cimilada wax looga qaban lahaa, maadaama dalkeenu u nugul yahay dabeecadaha ka dhasha karkarka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here