MUQDISHO – Hay’adda Global Safety Report oo ah hay’ad cilmi-baaris oo xog-ururin ku sameysa amniga caalamka ayaa soo saartay warbixin ay amniga Soomaaliya ku qiimeysay 74%, marka la cabbirayo dareenka badbaadada muwaadiniinta, sida marka ay habeenkii safrayaan iyo u kala socdaalidda deegaannada kala duwan ee dalka.
Natiijadan ayaa Soomaaliya ka dhigaysa dalka ugu sarreeya soo kabashada degdegga ah dalalka Saxaraha ka hooseeya Afrika, iyadoo ka sarreysa celceliska caalamka oo ah 69%.
Waxa kale oo xusid mudan in Soomaaliya ay natiijadan kaga sarreysay dalal ay ka mid yihiin Ruushka (72%), Boqortooyada Midowday (71%), Faransiiska (71%), Hindiya (71%) iyo Australia (64%), halka Shiinuhu uu la mid noqday qiimeynta Soomaaliya oo ah 74%.
Dhanka kale, Soomaaliya waxay heshay 75 dhibcood marka la eego Law and Order Index, oo cabbiraya kalsoonida booliska, dareenka amniga iyo waayo-aragnimada dadka ee dembiyada. Inkastoo dhibcahani ay shan dhibcood ka hooseeyaan celceliska caalamka oo ah 80, haddana waxay muujinayaan sawir muhiim ah oo ku saabsan aragtida shacabka ee amniga Soomaaliya.
Natiijada Soomaaliya waxay sidoo kale muujinaysaa in xaaladda amniga aan lagu qiimeyn karin oo keliya dagaallada iyo weerarrada, balse ay muhiim tahay sida muwaadiniintu u dareemayaan badbaadada nolol maalmeedkooda.


