Soomaaliya oo kor u qaadeyso dadaallada tallaalka ee Covid-19

0

Soomaaliya ayaa ka heshay xarunta COVAX 302,400 oo ah tallaalka Johnson & Johnson (J&J), qabytii ugu horaysay. Tallaallaka J&J, oo ay ku deeqday Mareykanka, ayaa ah tallaaladii ugu horreeyay oo hal mar la qaato kaas oo soo garay Soomaaliya si loo ballaariyo daboolidda baahiyaha tallaalka COVID-19 ee dalka loona suurtogeliyo in dhamaan bulshadda Soomaaliyeed ay helaan Tallaal dhamaystiran.

“Xiligaan oo looga soo horjeedo sidii waqti yar loogu afjari laha masiibadaan waa in dadka la tallaalo, waxaa muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah la heli karo la tallaallo dad badan” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Fawziya Abiikar Nuur. “Anigoo u mahad celinaayo Dowladda Mareykanka,deeqdan dalkan ka timid waxay muhiim u tahay dagaalka aan kula jirno caabuqa COVID-19 waxaana ku boorinayaa qof kasta oo u qalma in la tallaalo. ”

Tan iyo bilowgii faafitaanka COVID-19, 16,103 xaaladood oo shaybaar la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 864 dhimasho, ayaa laga soo sheegey Soomaaliya. Qaadashada tallaalka COVID-19 ee dadweynaha guud ayaa weli hooseysa ilaa 11kii Ogosto 2021, 93,458 Soomaali ah oo keliya ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19.

“Tallaalladu waxay rajo u tahay inaan dib ugu laabano xaalad caadi ah iyo in ay tallaabo muhiim u tahay xakameynta iyo kahortagga masiibada COVID-19” ayay tiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka, sida ay u gaareen heerkan kahortagga COVID-19 ee muhiimka ah oo ayna sii waddaan soo kabashada qoysaska iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku aadan caabuqa COVID-19. ”

Tallaallaka J&J waxaa lagu kaydin karaa iyada oo la adeegsanayo qalabka kaydinta tallaalka ee caadiga ah,  taas oo awood u siineysa in la gaarsiiyo meelo fog-fog, halkaas oo dadka si buuxda loogu siin karo Tallaalka hal mar oo kaliya. Shaqaalaha safka hore, dadka la nool cudurada ama iyo dadka waa wayn ayaa weli la siinayaa mudnaanta tallaalka.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada waxay ka shaqeyn doonaan iyagoo kaashanaya WHO iyo UNICEF in si siman loo qaybiyo tallaalada iyada oo la maareynayo nidaamyada silsiladda qabow; tababbarka tallaalayaasha si ay tallaallada ammaan ugu maamulaan; la socodka qaadashada tallaalka, gaar ahaan dadka u qalma iyo kuwa nugul; iyo dhiirri-gelinta qaadashada tallaalka iyo sii wadidda badbaadinta Bulshadda xaaladaha halista ah, ee caabuqa COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here