Soomaaliya oo Kusoo Bandhigtay Hormarrada Xuquuqul Insaanka Kulanka 52-aad ee UPR

0

Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay kulanka 52aad ee dib u eegista mudeysan ee Caalamiga(Universal Periodic Review) kulankaasi oo ay kasoo qeybgaleen wufuud ka socota 108 dal oo caalamka ah waxaana wafdiga Soomaaliya ay kusoo bandhigeen kulankan hormarrada ay dowladda Soomaaliya ka gaartay hormarinta Xuquuqul Insaanka Dalkeeda Afartii sano iyo barkii lasoo dhaafay.

 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedisay kulankan oo ka qabsoomay xarunta QM ee magaalada Geneva ayaa kusoo bandhigtay khudbaddeeda guullaha isdaba joogga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay sanadihii lasoo dhaafay hormarinta Xuquuqul Insaanka, guullahaasi oo ay ka mid ahaayeen lasoo wareegiddii Madax banaannida Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo dhismaha guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waxaana ay Wasiiraddu uga mahad celisay dowladaha caalamka soo talooyinkooda ku aadan warbixinta dowllada federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay.

Kulanka waxaa talooyin iyo soo jeedimo kala duwan ka jeediyey Wufuud ka kala socota 108da dal oo kamid ah wadamada qeybta ka ah qaramada midoobeey, waxaana 104 ka mid ah ka qeybgalayaasha kala duwan ee beesha caalamku ay aad u bogaadiyeen guullaha iyo hormarrada ay Soomaaliya ka sameysay Xuquuqul Insaanka Dalkeeda oo maanta ay Dowladda Soomaaliya kusoo bandhigtay Kulanka 52aad ee qaramada midoobey ee arrimaha warbxinadda caalamka, ayadoo wafdiga Wasiiradda Qoyska ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Cadaalladda, Xeer ilaalinta, kuwaas oo dhammaantood bandhigga warbixinta qeyb ka ahaa.

Dowladda Soomaaliya waxa ay rajeyneysaa in nidaamka dhaqan gelinta tallooyinka guddiga dib u eegista mudeysan ee UPR ay mudadan ka duwanaan doonto sanadihii hore marka loo eego heshiiskii ay Soomaaliya la gashay Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM (OHCHR), heshiiskaasi oo suurtagelinaya iney wax badan ka bedel naadaan waxyaabihii hore maadaama la socodka kormeerka iyo warbixintuba aanay noqon doonin mid bannaanka laga weriyo oo gudaha dalka laga hirgelinayo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM (OHCHR).May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here