Soomaaliya oo malaayiin dollar loogu deeqay

0

MUQDISHO (SMN) – Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu bixin doono 100 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo ah maalgelin dheeri ah si loo caawiyo in ka badan 215,000 oo qoys oo Soomaali ah oo la siin doono lacagaha caddaanka ah si ay uga soo kabsadaan dhibaatooyinka fatahaadaha iyo cunno yarida.

 

Sida lagu sheegay warbixinta Bangiga Adduunka, mashruuca wuxuu ka tarjumayaa jawaab-celinta xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya xilligan, taasoo muujineysa sida hagar la’aanta ah ee Bangiga Adduunka uu uga go’an yahay ka qayb qaadashada hadafka fog ee ciribtirka faqriga ba’an ee dalka.

Qiyaastii 8.25 milyan oo qof — kala bar shacabka wadanka — ku sugan Soomaaliya ayaa hadda u baahan gargaar bini’aadannimo ka dib markii ay inta badan saameeyeen abaaro iyo fatahaado, waxaana taageerada Bankiga Adduunka kusoo beegmaysaa xili loo baahan yahay oo in ka badan labo milyan ay fatahaada barakicisay.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in barnaamijkan uu sii xoojin doono adeegyada caafimaadka iyo nafaqeynta ee jira, iyo suuqa shaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here