Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgashay Shirweynaha ITF ee Jarmalka

0

Leipzig – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeybgashay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Madasha Caalamiga ah ee Arrimaha Gaadiidka, International Transport Forum (ITF), oo lagu qabtay magaalada Leipzig intii u dhaxeysay 6–8 May.

 

Soomaaliya waxaa shirkan ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cumar Afrax, kaas oo ka qeyb galay doodaha iyo kulamada looga hadlayay horumarinta gaadiidka cirka, dhulka iyo badda.

Madasha ITF waa gole caalami ah oo ay ku mideysan yihiin ku dhawaad 100 dowladood, hay’ado iyo shirkado caalami ah, waxaana looga hadlaa arrimaha isku socodka, isku xirnaanta iyo maalgelinta kaabeyaasha gaadiidka.

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Guud ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka socotay Turkiga, Azerbaijan, Shiinaha iyo madaxda ITF, iyadoo laga wada hadlay iskaashiga dhinaca gaadiidka iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Madasha ayaa si weyn u soo dhaweysay ka qeybgalka Soomaaliya, waxayna ku casuuntay inay sanadka dambe noqoto xubin buuxda oo ITF ah, arrintaas oo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ay sameyneyso.May be an image of text that says "nternational Transport Forum 8 May 2026 eipzig, Germany Middle Corridor Growth Rapid expansior apidexpansionofEast-West of connectivity orth-South Corridor egration ingmajor ingmajorregionaltrade regiona regionaltrade trade tes Smart B Digital Faster, pap flows & Systems s-border Port and Rail Capacity Expansiol Scaling Scalinginfrastructure.forris infrastructure for risi isi demand Hub ment Digit Win つa 냉편드수이 மனவர்"

May be an image of newsroom, crowd and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here