Soomaaliya oo Muqdisho ka xustay Maalinta Shaqaalaha Adduunka

0

Muqdisho – Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, ayaa  ka qaybgashay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay Maalinta Shaqaalaha Adduunka, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabiyay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), iyadoo taageero ka helaysay Hay’adda Shaqada Adduunka ee Qaramada Midoobay (ILO). Waxaa ka qayb galay in ka badan 1000 qof oo matalayay shaqaale kala duwan oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha FESTU Axmed Cusmaan Saciid, Xoghayaha Guud ee ururka Cumar Faaruuq Cusmaan, masuuliyiin ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday ILO, iyo marti sharaf kale oo kala duwan.

Intii uu socday kulanka ayaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo baahida loo qabo in la xoojiyo ilaalinta xuquuqdooda, xorriyaddooda iyo sharaftooda shaqo. Masuuliyiintii ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda maalintan, oo ay ku tilmaameen mid caalami ah oo lagu xuso dadaalka iyo xuquuqda shaqaalaha dunida oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here