Nairobi – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Mubarik Axmed Maxamed ayaa maanta ka furay magaalada Nairobi Shirka wadatashiga ah ee Wareegga 2aad ee Hab-raaca Dib-u-eegista Hirgelinta (IRM) Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (UNCAC), kaas oo diiradda saaraya Cutubka 2aad (Tallaabooyinka Kahortagga) iyo Cutubka 5aad (Soo-celinta Hantida).
Xoghayaha Joogtada ah ayaa kulanka kusoo dhaweeyay madaxda iyo wakiillada ka socday hay’adaha dowladda, xubnaha ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dembiyada (UNODC), dalalka dib-u-eegista samaynaya ee Liberia iyo Tonga, iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee qeybta ka ah hannaanka dib-u-eegista.
Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in dib-u-eegistani ay kusoo beegantay xilli aad u muhiim ah maadaama ay dhawaan Golaha Wasiirada XFS meel-mariyeen Istratejiyadda Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (2026–2030).
Sidoo kale, Xoghayaha Joogtada ah wuxuu xusay guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dib-u-habeynta hay’adaha, casriyeynta maareynta maaliyadda dowladda, iyo xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka dhammaan haykalka dowliga ah.
Ugu dambeyn, Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqay in guud ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ay ka go’antahay dardargelinta hirgelinta tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee uu tilmaamayo Axdigu, si loo xoojiyo maamul-wanaagga iyo hufnaanta dawladnimada.





