Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb-galeyso dalka Masar

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , oo lagu wado inuu daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.

Wasiir oo sidoo kale boggaadiyay doorka safaaradda Soomaaliya ee Masar, ayaa kulamo dooceed la yeelan doona wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here