Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Shiinaha + Sawirro

0

FUZHOU (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Kullane, , ayaa ka qeyb galay shirka Rugaha Ganacsiga iyo Ururada Caalamiga ah ee 2023 (GCCAC 2023), oo lagu qabtay magaalada Fuzhou, waxaana ujeedka shirrkan uu ahaa kobcinta iskaashiga warshadaha caalamiga ah iyo kor u qaadida horumarinta tayada sare ee Belt and Road Initiative (BRI) sannad-guuradiisii 10-aad.

 

Inta socotay munaasabadda furitaanka shirka, Danjire Kullane ayaa ka qeyb galay kulamo doceedyo ku saabsan xaqiijinta isku xirnaanta iyo sare u qaadista iaskaahiga.

Sidoo kale, shirka waxaa qeyb ka ahaa wakiilo ka kala socday Nepal, Sri Lanka, Indonesia, Malaysia, iyo ku-simaha safiirka dalalka Carabta, iyo kuwo kale. Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah si loo helo horumar waara oo BRI ah.

Danjire Kullane ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya u daneyneyso xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Shiinaha iyo sahminta fursadaha iskaashiga.

Madashu waxay soo bandhigtay warbixino ku saabsan faa’iidooyinka warshadaynta Fuzhou iyo fursadaha iskaashiga Afrika, iyo sidoo kale deegaan maalgashi oo u gaar ah dalka iyo fursadaha iskaashiga Shiinaha.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here