Soomaaliya oo Si Gaar ah Loogu Beegsaday Mamnuucidda Socdaalka Mareykanka

0
US President Donald Trump looks on after delivering an update on "Operation Warp Speed" in the Rose Garden of the White House in Washington, DC on November 13, 2020. (Photo by MANDEL NGAN / AFP)

WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday mamnuucid cusub oo laga saaray socdaalka, iyadoo Soomaalida si gaar ah loogu daray liiska muwaadiniinta aan loo ogolaan doonin inay galaan gudaha dalka Mareykanka.

 

Amarkan oo uu saxiixay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa si toos ah u saameynaya Soomaalida doonaya inay u safraan Mareykanka, isagoo sheegaya in tallaabadan looga golleeyahay “in dalka laga ilaaliyo argagixisada shisheeye iyo khataraha amni ee kale.”

Soomaaliya ayaa noqotay mid ka mid ah 12 dal oo lagu daray mamnuucdaan, waxaana la socda dalal kale sida Afgaanistaan, Iran, Libya, Yemen, Suudaan, Eritrea, iyo Myanmar.

Go’aankan cusub ayaa si weyn u saameyn doona qoysas Soomaali ah oo ku kala sugan gudaha Mareykanka iyo dalka gudihiisa, kuwaasoo horey u wajahaya dhibaatooyin ku saabsan mideynta qoysaska iyo helitaanka fiisaha socdaalka.

Bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan, oo intooda badan ku nool gobollada Minnesota, Ohio, iyo Washington State, ayaa si weyn uga walaacsan tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid sii xoojinaysa takoorka iyo kala sooca ay Soomaalidu la kulmayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here