Soomaaliya oo Si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Argagixisanimo ee Ka Dhacay Dimishiq

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo mar kale caddeysay mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u diiddan tahay dhammaan noocyada argagixisada, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Dowladdu waxay sidoo kale muujisay garab istaaggeeda buuxa ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada iyo qoysaska ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarka, isla markaana u rajeysay dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah. War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in caddaaladda la horkeeno dhammaan dadkii ka dambeeyay weerarkan argagixisanimo, si loola xisaabtamo falalka ay geysteen.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here