Soomaaliya oo soo bandhigtay doorka istaraatiijiga ah ee hawadeeda shir ka socda Qatar

0

DOOXA, Qatar — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macalin Xasan, ayaa shir ka socda magaalada Dooxa ku soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka samaysay duulista rayidka iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee hawada dalka u leedahay isku xirka duulimaadyada gobolka iyo kuwa caalamka.

Axmed ayaa hadalkan ka jeediyay shirkii siddeedaad ee Agaasimeyaasha Guud ee Hay’adaha Duulista Rayidka ee Bariga Dhexe (DGCA-MID/8), isagoo sheegay in hawada Soomaaliya ay door muhiim ah ka ciyaartay isku xirka duulimaadyada rayidka xilli xaaladaha amni ee gobolka ay saameeyeen hawlgallada duulista.

Waxa uu sheegay in casriyeynta nidaamyada duulista, adeegsiga qalab tiknoolajiyadeed oo casri ah iyo shaqaale leh aqoon iyo khibrad ay kor u qaadeen sumcadda Soomaaliya iyo muhiimadda hawadeeda.

“Maanta waxaan joognaa meel dunidu nagu tiirsan tahay,” ayuu yiri Axmed, isaga oo ka hadlayay doorka hawada Soomaaliya ee isku xirka duulimaadyada.

Maareeyaha guud ayaa sidoo kale sheegay in ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka uu fursad u yahay xoojinta iskaashiga gobolka, maadaama dalka uu ku yaal marin hawo oo istaraatiiji ah oo muhiim u ah duulimaadyada gobolka iyo kuwa caalamka.

Shirka DGCA-MID/8 ayaa maalintiisa labaad ka socday Dooxa, waxaana sannadkan martigelinaysa Hay’adda Duulista Rayidka Qatar (QCAA), iyadoo kaashanaysa Xafiiska Gobolka Bariga Dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO).

Waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka socda hay’adaha duulista rayidka ee dalalka Bariga Dhexe iyo dalal kale, iyo wakiillo ka socda ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ajandaha shirka waxaa ka mid ah badbaadada duulista iyo hagidda diyaaradaha, amniga nidaamyada dijitaalka ah, ilaalinta deegaanka, fududeynta gaadiidka cirka iyo xoojinta iskaashiga gobolka. Waxaa sidoo kale looga hadlayaa hirgelinta barnaamijka amniga duulista ee Bariga Dhexe iyo caqabadaha ka dhasha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here