Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo ku dhintay xadka Turkiga & Giriigga

0

MUQDISHO (SMN) – Ilaa hadda 2 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku jiraan 19 mayd oo laga helay xadka u dhaxeeya wadammada Turkiga iyo Giriigga, kaddib markii dadkaasi ay u dhinteen qabow daran oo halkaas ka dhacayay, xilli dalba dalka kale uu ku eedaynayo musiibadaasi.

Afar qof oo kale oo laga shakisan yahay inay Soomaali yihiin ayaa la baarayaa, iyadoo bulshada Soomaalida ahna laga codsaday inay gacan ka gaystaan aqoonsiga maydadkaasi.

Turkiga ayaa saraakiisha xadka ee Giriigga waxa uu ku eedaynayaa in kooxdaasi uu xoog dib ugu soo celiyay xadka, sidaasna ay ku timid dhimashadooda, halka Giriiggu uu arrintaasi gaashaanka u daruuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here