Taliska Booliska oo ka hadlay qaraxii ka dhacay isgoyska Ceelgaabta

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa faah faahin kooban ka bixiyey qarax is-miidaamin ahaa oo barqanamadii maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Cabdifitaax Aadan ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu geystay qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo uu tilmaamay inay haatan wadaan baaris dheeraad ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimadda, kuwaas oo loo sababeynayo kala guurka & doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here