Taliska Booliska oo war kasoo saaray shaqaaqadii ka dhacday Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey shaqaaqo shalay ka dhacday gudaha degmada Wadajir, taas oo ka dhalatay rasaas lagu furay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka siyaasadda ee maamulka degmadaasi.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlayey dhacdadaasi ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu si lama filaan ah ku soo dhex-galay shaqaaqo u dhexeysay ciidamo milatari ah iyo kuwa boolis ah, isla-markaana uu isna dhankiisa is difaacay.

“Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu ku soo galay shaqaaqo u dhexeysay Militariga iyo Booliska, markii ay rasaastu la huwiyey ayuu durba iska difaacay asna,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Shalay ayey aheyd markii guddoomiye ku xigeenka siyaasadda lagu weeraray qeybo ka mid ah degmadaas, walow uu ka bad-baaday rasaas lagu furay baabuurkii uu la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here