Taliska ciidamada Booliska oo war kasoo saaray qaraxa lala eegtay Farxaan Qaroole

0

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay qarax is-miidaamin ah oo barqanimadii maanta isgoyska Banaadir lagula beegsaday taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole.

Taliska Booliska ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Farxaan Qaroole.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in taliyaha uu nabad qabo, balse qaraxa uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska.

Wararkii ugu dambeeyey sidoo kale waxa ay sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen illaa iyo hadda 5 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 9 kale, walow uu khasaaraha intaasi kasii badan karo, maadaama uu weli tirakoob socdo.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli cakiran, waxaana ka muuqdo burbur xoog-leh oo gaaray dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here