Taliska ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkii Masaajid Cali Gaduud

0

MUQDISHO (SMN) – Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya, isla-markaana wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda.

 

Bashir Waddani oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in labada ciidan ay kala shakiyeen, isla-markaana uu sababay khasaare xoogan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay aad uga xun yihiin dhacdadaas oo ay ku dhinteen illaa 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo ahaa taliyihii ururka 2-aad guutada Cumar Binu Khadaab, kaas oo lagu magacaabi jiray, abtan Maxamed Axmed Abshir, waxaana sidoo kale dhaawacmay 4 askari oo kale.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in hadda ay dagan tahay xaaladda, isla-markaana dhaawacyada loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in la xalliyay xiisadda, isla-markaana la aasay maydadka askar ku geeriyoodtay halkaas.

Masaajiid Cali Gaduud ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay eel aga saaray Al-Shabaab, waxaana qabashada deegaankan ay qaadatay waqti dheer, maadaama ay ku wada dagaalameen ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab oo muddo dheer ka arrimeysay deegaankaasi oo u ahaa istaraatiiji ka hir inta aan laga saarin.

Arrintan ayaa dad badan waxa ay tilmaameen inay dhalineyso niyadjab xoogan, maadaama ciidamadii qaranka ay dhexdoodii isku dilayaan deegaanadii ay xoreeyeen, balse waxaa dagaalkii xalay sabayay kala shaki soo kala dhex-galay labada ciidan oo si lama filaan ah isaga horyimid deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here