Taliska ciidamada Xoogga dalka oo war kasoo saaray howlgal ka socda Sh/Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socda deegaano dhaca gobolkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda deegaano ku teedsan jinka wabiga Shabelle, gaar ahaan aagga deegaanada Oobaale iyo Ciid-ciidka ee gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha Ururka 12-aad qeybta 27-aad ee xoogga dalka Korneyl Cali Xuubey oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay halkaas ka wadaan howlgal dib u xoreyn ah, wuxuuna xusay in dagaal iyo duqeymo xoogan laga gaystay deegaanadaas oo ku yaalla dhul howd ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaare lixaadleh ay gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab, welina uu socda howlgalkooda.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab oo laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi, waxaana kamid ah degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-Nirgood iyo deegaano kale oo hoosta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here