Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Dhaarinta Layli Saraakiisha iyo Guutada 22-aad ee Gorgor

0

Muqdisho – Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Madeey Nurey Sheekh Ufurow, ayaa ka qaybgalay munaasabad rasmi ah oo lagu dhaarinayay dufcaddii 9-aad ee layli saraakiisha iyo Guutada 22-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay diyaar-garowga, anshaxa iyo heeganka ciidanka cusub, kuwaas oo loo diyaariyay inay gutaan waajibaadkooda qaran, difaacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka qaybqaataan ilaalinta amniga iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Taliska ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaashadaan anshaxa, wadajirka, daacadnimada iyo waajibaadka qarannimo, iyagoo mar walba dhowraya sharciga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhaarinta ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo diyaarinta ciidamo leh tababar, anshax iyo karti ay ku gutaan waajibaadkooda qaran.No photo description available.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here