Muqdisho – Taliyaha Cutubka Booliiska Nigeria ee hoos yimaada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), CSP Abraham Laban, ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Nigeria uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya.
CSP Abraham Laban ayaa hoggaamiya cutubka NFPU-13 oo ka kooban 159 sarkaal oo Booliis Nigerian ah, kuwaas oo ku sugan Saldhigga Hawlgallada Al-Jazeera II ee Muqdisho, halkaas oo ay si wadajir ah ula shaqeeyaan ciidamada Uganda ee AUSSOM.
Saldhigga Al-Jazeera II ayaa noqday mid ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee AUSSOM, kaddib markii shaqaalaha hawlgalka laga soo raray Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, si loo fududeeyo dayactirka garoonka loona soo celiyo adeeggiisa shacabka Soomaaliyeed.
Booliiska Nigeria ee AUSSOM ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda kala dambeynta iyo amniga dadweynaha, roondooyin wadajir ah oo ay la sameeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (SPF), iyo ilaalinta iyo galbinta shaqaalaha AUSSOM iyo Qaramada Midoobay.
CSP Laban ayaa sheegay in wada-shaqeyntu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee howlgalka, isaga oo xusay in ciidamada booliiska, ciidamada kale iyo shaqaalaha rayidka ah ay leeyihiin hadaf mideysan oo ah xasilloonida Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda caafimaadka maskaxda ee saraakiisha ka howlgasha deegaanada khatarta badan. Wuxuu sheegay in si joogto ah loo qiimeeyo xaaladda maskaxeed ee shaqaalaha, iyadoo loo sameeyo ciyaaro isboorti iyo kulamo xog-wareysi ah si loo yareeyo walbahaarka, loona ilaaliyo tayada shaqada.
Intii uu hoggaaminayay CSP Laban, NFPU-13 ayaa sidoo kale kaalin ka qaadatay buuxinta baahida loo qabo saraakiisha Booliiska Shakhsi ahaaneed ee AUSSOM (IPOs), iyadoo ciidamada Nigeria ay taageero iyo tababar siiyeen Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
CSP Laban ayaa sheegay in isaga oo hoggaaminaya kooxaha roondada uu si toos ah u tagay bartamaha Muqdisho iyo goobo ay adkeyd in si joogto ah loo gaarsiiyo roondooyinka amniga. Mid ka mid ah guulaha uu tilmaamay ayaa ah xaaladda amni ee ka jirta agagaarka Saldhigga Al-Jazeera, oo horey u wajahaysay weerarro iyo madaafiic hoobiyaal ah. Sida uu sheegay, feejignaan joogto ah iyo tallaabooyin ka hortag ah ayaa gacan ka geystay in aaggaasi muddo uu helo xasillooni iyo deganaansho.
CSP Abraham Laban ayaa sheegay in ciidamada Nigeria ay u arkaan howlgalka Soomaaliya inuu yahay qeyb ka mid ah masuuliyadda Afrika ee ku aaddan xoojinta nabadda qaaradda. Wuxuu tusaale u soo qaatay fikradihii hoggaamiyeyaashii Pan-Africanism-ka sida Kwame Nkrumah iyo Julius Nyerere, isagoo sheegay in nabadda Soomaaliya ay si dhow ugu xiran tahay amniga iyo xasilloonida guud ee qaaradda Afrika.
“Annagoo ah dadka Nigeria, waxaan ognahay inaanan waligeen heli doonin nabad dhab ah oo ka jirta dalkeenna haddii aysan Soomaaliya helin nabad,” ayuu yiri CSP Laban.
Hadalkan ayaa muujinaya in Nigeria ay weli muhiimad gaar ah siinayso kaalinteeda ku aaddan howlgalka AUSSOM iyo taageerada dadaallada Soomaaliya loogu dhisayo hay’ado amni oo awood u leh inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.



