Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daahfuray shir ay isugu yimaadeen Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo socon doona inta u dhaxeysa 29–30 Abriil 2026.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amni ee dalalka Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeynayo caqabadaha amni ee jira iyo sida loo xoojin karo iskaashiga dhinaca sirdoonka.
Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirka, Taliyaha ayaa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhanka sirdoonka ah si looga hortago khataraha amni ee isa soo taraya.
Waxa uu sidoo kale iftiimiyay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dadaalladaasi ay qeyb ka yihiin xoojinta amniga qaranka.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay wufuudda ka soo qeyb gashay shirka, isaga oo rajeeyay in kulankan uu noqdo mid miro-dhal ah oo laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaada nabadgelyada gobolka.




