Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo gaaray degmada Aadan Yabaal

0

AADAN YABAAL (SMN) – Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo sarakiil ciidan ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Agaasimaha Guud xarunta Qaran ee Tubasan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa halkaa waxaa kusoo dhaweeyay xildhibaanno katirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliy, maamulka degamada iyo sarakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan degaanka.

Taliyaha  Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa booqaday fariisimaha ciidanka xoogga ay halkaa ku leeyihiin,isagoo ciidanka ku dhiirigaliyay shaqada wanaagsan ay dalka u hayaan,waxa una ciidamada  faray sida ay muhiim u tahay ka foojignaata weerarada Al-Shabaab.

Taliiska xoogga dalka  ayaa wado da’daallo dalka looga xoreynayo Al-Shabaab,iyadoo ay xusid mudan tahay in taliyaha sidaan oo kale uu booqday furumaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan aagga degmada Galcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here