Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer shaqo ku tegay jiinka Wabiga Shabeelle ee Shabeellada Dhexe

0

SHABEELLADA DHEXE — Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno ku yaalla jiinka Wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, si uu u qiimeeyo xaaladda amniga iyo howlgallada ka socda halkaas.

 

Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulamo la yeeshay maamulka degmada Balcad, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmadaas Qaasim Cali Nuur, iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaannada ku teedsan wabiga ee gobolka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka, isagoo sheegay in ay si adag u dhabar-jebinayaan cadawga Khawaarijta ah.

Waxa uu saraakiisha ku boorriyay in ay laba-jibaaraan waajibaadka ka saaran difaaca Qaranka iyo adkeynta amniga deegaannada la xoreeyay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa haatan wada howlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha ee lidka ku ah nolosha iyo mustaqbalka umadda Soomaaliyeed.

Howlgalladan ayaa lagu tilmaamay kuwo guuleystay, isla markaana horseeday in deegaanno badan ay ka hirgalaan amni iyo xasillooni.

May be an image of textNo photo description available.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here