Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo Turkiga kala hadlay xoojinta iskaashiga milatari

0

ANKARA — Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi, ayaa dalka Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga milatari ee labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya uu dowladda Turkiga iyo ciidankeeda uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sahal Cabdullaahi ayaa si gaar ah u xusay tababarka iyo qalabeynta ay Turkigu siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan kumaandooska GorGor oo ka mid ah cutubyada sida gaarka ah loo tababaray ee ciidamada Soomaaliya.

Iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, isla markaana doonaya inay sii xoojiyaan amniga dalka.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay munaasabad tartanka wadista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo lagu qabtay magaalada Ankara, taas oo ay sidoo kale ka qaybqaateen xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Booqashada iyo kulamadan ayaa muujinaya sii socoshada xiriirka difaac iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo taageero tababar iyo qalab siinaya ciidamada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here