Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay tababarka ciidanka

0

MUQDISHO — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Sarreeye Guuto Ivan Falasca, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha askarta iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sare u qaadista tayada barnaamijyada tababarka milatariga.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, diyaarsan, isla markaana awood u leh inuu guto waajibaadka amni ee dalka.

Waxay sidoo kale isku raaceen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo taageerada lagu horumarinayo tayada, kartida iyo awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa taageera horumarinta ciidamada amniga Soomaaliya, isaga oo diiradda saaraya tababarka milatariga iyo talo-siinta, xilli dalku dadaal ugu jiro xoojinta hay’adihiisa amniga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here