Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil Soomaali ah

0

MUQDISHO, 24 Agoosto 2026 — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo lagu xoojiyay aqoontooda milatari iyo xirfadaha hoggaamineed.

 

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktriinka, Jeneraal Axmed Ciise Axmed.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Brigadier General Elio Manes.

Saraakiisha ayaa tababarka ku qaatay Dugsiga Tababarka S/Guuto Dhagabadan ee Muqdisho, halkaas oo lagu siiyay casharro lagu horumarinayo aqoontooda, xirfaddooda ciidan iyo awooddooda hoggaamineed.

Tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo kor loogu qaadayo awoodda saraakiisha hoggaamisa ciidamada, xilli dowladda Soomaaliya ay waddo qorsheyaal lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay shahaadooyin iyo bogaadin loo jeediyay saraakiishii dhammaysatay tababarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here