Taliyaha Ciidanka Xoogga oo si rasmi ah xariga uga jaray taliska qeybta 27-aad

0

Muunasabada xarag jarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Qeybta 27-aad, Taliyaha Cidamada Amisom ,  madax weyn ku xigeenka Hirshaabelle , Xildhibaano iyo maamulka gobolka Hiiraan,  ka degmada Buula burte, odayasha dhaqanka iyo marti shaqaf Kale.

Madxweyne ku-xigeenka dowlad gobeledka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)  ayaa umahadceliyay Taliyaha Ciidamada Xoogga madama uu Taliska Qeybta 27-aad ugartay in ay ku sii shaqeeyso dagmada Buulo-burte, kaa oo sidokale ka codsaday Taliyaha iyo Ciidanka in Al-Shabaab laga saaro deganada hoos yimado dagmada.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Gen.Odawaa Yuusuf Raage oo soo xiray munaasabada Xarigjarka Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Taliska uu masuul ka noqon doono  dhul aad baaxad weyn, isaga oo Bulshada Degaanka ka codsaday inay lashaqeyan Ciidanka, meesha looga saaro Al-Shabaab.

Degmada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan ayaa ka mid  ah dagmooyinka  ugu amniga badan degaanada dowlad gobaleedka Hirshabeele, in kasta ay go’doomiyeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here