Taliyaha ciidanka Xoogga oo tegay furimaha hore ee gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xalay ku hoyday Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud, waxuuna kulama kala duwan halkaas kula qaatay saraakiisha Ciidamada Milateriga ee Ceeldheer ku sugan in mudda ahna difaacayay.

 

S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ciidamada faray inay diyaar garoobaan iskuna diyaariyaan Howlgalka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen deegaano ka tirsan gobollada dhexe ee dalka oo ay dib ula wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here