Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Kula Dardaarmay Adkeynta Amniga Jowhar

0

Jowhar – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibrahim Maxamed Maxamuud, ayaa bannaanka magaalada Jowhar kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliyaha ayaa ciidamada uga mahadceliyay naf-hurnimada, geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen, gaar ahaan doorka ay ka qaateen sugidda amniga iyo furista waddada muhiimka ah ee xiriirisa Mogadishu iyo Jowhar, taas oo shacabka ay muddo dhibaatooyin badan ku qabeen.

Gen. Ibrahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan howlaha amniga iyo xasilinta deegaanada, isla markaana ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan falalka lidiga ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxa uu tilmaamay in guulaha la gaaray ay muujinayaan sida ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uga go’an tahay difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa xusay in guulaha howlgalada amni ay ku yimaadeen wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada iyo shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay in taageerada bulshada ay laf-dhabar u tahay guusha howlgalada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.May be an image of one or more people and textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here