MUQDISHO — Taliye ku-xigeenkii labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisii, isaga oo sabab uga dhigay caddaalad-darro, musuq-maasuq iyo ku-takrifal awoodeed oo uu sheegay inay halis gelinayaan amniga dalka.
Cabdalla ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in awoodda ciidanka si sharci-darro ah loogu adeegsanayo burburinta hantida, barakicinta dadka iyo dano siyaasadeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in muddo dheer la iska dhega tirayay talooyinkiisa, taas oo ku dhalisay inuu ku biiro safka mucaaradka.
“Waxaan iska casilay xilkii Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah, ahna Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed,” ayuu yiri, isaga oo xusay caddaalad-darrada, musuq-maasuqa iyo khatarta amni ee uu sheegay inay dalka wajahayo.
Jeneraal Cabdalla ayaa dhaliilay hoggaanka dalka, isaga oo sheegay in caddaalad-darradu ay bulshada kala qaybiso, isla markaana uu ka baxay waxa uu ku tilmaamay hannaan hoggaamineed aanu garanayn halka uu dalka u wado.
Iscasilaaddiisa iyo ku dhawaaqistiisa inuu mucaaradka ku biirayo ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo tabashooyin la xiriira maamulka iyo amniga dalka.



