Taliyihii Nabad-sugidda Qoryooley oo lagu dilay duleedka degmadaasi

0

QORYOOLEY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku dileen Taliyihii Nabad-sugidda degmada Qoryooley, xilli uu ku socdaalayay isla duleedka degmadaasi.

 

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab) ayaa xilliga la dilayay ka baxay Qoryooley, wuxuuna kusii jeeday deegaanka Danow ee degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in taliyaha lala dilay saddex askari oo kamid ahayd ilaaladiisa, waxaana goobta ka baxsaday dagaalyahanadii fuliyay weerarkaasi.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo war kasoo saaray dhacdadaasi ayaa sheegay in taliyaha la dilay, isaga oo gudanayay waajibaadkiisa, wuxuuna ka tacsiyeeyay geeridiisa.

“Innaa lillaahi wa ileyhi raajicuun, Ilaahay ha u Naxariisto walaalkeen taliye Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab) taliyihii Nabadsugida Degmada Qoryooleey oo goordhow ku geeriyooday wadada qoryooley iyo Danow u dhexeysa asaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Ilaahay ha u Naxariisto jannadii firdowsa eheedna haka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan haka siiyo”.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here