Toos: Xuska 12-ka April iyo waddooyinka magaalada Muqdisho oo xiran

0

MUQDISHO (SMN) – Xarunta wasaaradda gaashaandhigga waxaa haatan ka socota munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ah 12-ka bisha April.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweynaha Soomaaliya, dhammaan taliyeyaasha ciidamada, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo marti sharaf kale.

Waxaa haatan socota hadal jeedinta mas’uuliyiinta oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlaya qiimaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa xiiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka iyo dadweynaha laga celinayo waddooyin ay ka mid yihiin Maka Al-Mukarramada, Wadnaha iyo Warshadaha, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Halkan hoose ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here