Turkiga oo cambaareeyey weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhawaac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xunnahay inaan helnay warka sheegaya in ugu yaraan 11 qof ay ku naf waayeen in ka badan 25 kalena ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo 9-kii iyo 10-kii bishan February ka dhacay magaalooyinka Baraawe, Boosaaso iyo Muqdisho ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda, isaga oo dadkii ku dhaawacmay weeraradaas caafimaad u rajeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay qarax is-miidaamin ahaa oo sababay khasaare kala duwan uu ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here